Golaha Wasiirada oo loo qaybiyay Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland Ee 2020 Ansixiyayna Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqaalaha Ra’yidka ah.

Shirka golaha Wasiirada oo maanta uu shir gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa golahu ay dood ka yeesheen Hindise Sharciyeedka Xeerka shaqaalaha Ra’yidka ah iyo xeerka gudiga shaqada iyo Shaqaalaha iyadoona dood kadib golahu ay sharcigan oo uu soo gudbiyay gudiga shaqada iyo shaqaalaha ay meel mariyeen.

Hindise sharciyeedka shaqaalaha ayaa tusmo iyo tixraac u noqon doona hananka shaqaalaysiinta shaqaalaha Ra’yidka ah.

Waxaa kale oo golahu Warbixin la xiriirta Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland ee 2020 ka dhagaystay Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah iyadoona qorshan oo qoraal ah golaha loo qaybiyay.

Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland ee 2020 waxaa uu ka kooban yahay Adeegyada Bulshada sida Caafimaadka Waxbarashada Hormarinta Magaalooyinka iyo adeegyo kale oo ay kamid tahay daadajinta maamulka iyo maamul wanaaga.

Wasaaradaha Caafimaadka hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo beeraha ayaa laga dhagaystay warbixino la xiriira hawlahii u qabsoomay 2017 iyo qorshahooda 2018ka.