Garoonkii Kubada cagta Waamo Ee Kismaayo Oo xariga laga jaray

Dowlada Jubaland ee Somaliyed gaar ahaan Wasaarada ciyaaraha ,ayaa ku guulaysatay in ay dib uhawlgaliso garoonkii kubada cagta ee Waamo.
 
Garoonka kubada cagta ee Waamo,ayaa waxaa lagu sameeyay dib u dhis aad ubalaaran waxaana la gaarsiiyay dhismihiisa mid heer caalami ah,iyadoo dib u dhiskiisa ay qayb ka tahay Nalalka waa weyn ee suurtagalin kara in garoonka habeenimo lagu ciyaaro.
 
Talaabadan ayaa ah mid ka mid ah guullaha horumarineed uu uu ku taalabsaday Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
 
Bulshada kismaayo,ayaa aad usoo dhaweeyay dib u dhiska garoonka,waxayna si farxad leh ugu dabaal dageen xarig ka jarida garoonka.
 
Garoonka kubada cagta ee Waamo,ayaa noqonaya kii labaad oo si casriya dib u dhis loogu sameeyo lana hawlgaliyo guud ahaan Somaliya.