Dhagayso:-Xiisad ka taagan Kismaayo iyo Booliska Jubaland Oo beeniyay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidan ka gadooday xildhibaan dhowaan lagu xiray magaalada Kismay ay fuuleen daaro u dhow meesha uu xildhibaankaasi ku xiran yahay, hase yeeshee, ay wadahadal lala galay dartii uga soo dageen.

Kismaayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay aheyd mid ay xiisad iyo kacsanaan ka jirto, kadib markii maamulka Jubbaland xireen Xildhibaan lagu magacaabo Axmed Taajir oo lagu eedeeyay maamul dumis iyo been abuur.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliiska Jubaland ayaa beeniyey inay jiraan wararka ah in ciidan gadooday,hoos ka dhagaysoc odka.

Halkan ka dhagayso codka Talyaha