Maxay Tahay Ujeedada Somaliland Faroole ay Usiiso dhaqaalaha joogtada ah?

Warar Madax banaan oo ay heshay Warbaahinta  Idil News.com una  Xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaankaro ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Puntland  C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole uu dhaqaale ka helay Maaamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ee Somaliland, lacagtan ayaan ilaa iyo hada Cadadkeeda la xaqiijin,balse Marka ugu horaysa oo ay ogaato Warbaahinta IdilNews.com ay soo Bandhigi doonto.
 
Faroole ayaa xiriir xididtinimo kala dhaxeeyaa Qoyska uu ka soo jeedo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi.
 
15-July-2015-kii ayay ahayd markii uu booqasho ku tagay magaalada Hargaysa, Xiligaas wixii ka danbeeyay Xiriirka Faroole iyo maamulka Soomaaliland ayaa noqday mid sii xididaystay.
 
 Dhaqaalaha  Maamulka Soomaaliland uu siiyo C/raxmaan Faroole ayaa ah mid bile ah sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu Kalsoonyahay oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliland oo diiday in Magacyadooda la soo xigto.
 
Tan iyo wixii ka danbeeyay Xiisadii ka dhalatay qabsashadii deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool C/raxmaan Faroole,ayaa mar qura waxa uu Badalay  Mowqifkiisii adkaa ee lagu yaqaanay oo uu kudifaaci jiray Qadiyada Puntland,Wuxuuna uxuubsiibtay in uu ka soo hor jeesto qadiyadaha Puntland ee masiiriga ah.
 
Sidoo kale Madaxweyne Faroole ayaa lagu xasuustaa mudadii uu talada Puntland hayayee 5-ta sano ku sinayd sidii la shaqayntisiii Maamulka Hargaysa iyo sidii uu gacamaha uqabtay una fogeeyay beesha Dhulbahante ee Gobolada SSC.
 
La soco wararkyaga danbe iyo xogtan oo faahfaahsan.