UPDATE:-Boocame Oo dib ugu soo noqotay gacanta Puntland Caawa

Galabta ayay ahayd markii maleeshiyo taabacsan maamulka Hargaysa ay gudaha usoo galeen kagana dhawaaqeen in ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Boocame.
 
Idil News oo warkaas siidaysay,ayaa tan iyo xiligaas si gaar ah ula socotay xaalada Magaalada Boocame.
 
Hadaba wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Magaalada ayaa noo xaqiijiyay in Maleeshiyadii sheegatay in ay la wareegeen Magaalada ay iskaga baxeen dibna ugu laabteen fariisin ay markii hore joogeen oo magaalada ujira 70-km si iskood ah.
 
Xaalada Magaalada ayaa hada degan mana jiraan wax xiisad ah oo ka taagan sidoo kale shacabka ayaa si caadiya noloshooda uwata.
 
Ciidamada Puntland oo gurmad xoojin ah udiray deegaankaas markii warkan soo baxay, ayaa gaaray halkaas xiligana si buuxda gacanta ugu haya Magaalada.