Kismaayo:-Axmed Taajir Oo Xabsigii laga sii daayay iskana casilay Xuintii Xildhibaanimo

Axmed Xasan Cabdi “Axmed Taajir” oo ka tirsanaa Xildhibaan Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay Xilkii Xildhibaanimo kadib markii maanta laga sii daayay Xabsi ku yaala magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Xildhibaanka ayaa saakay laga sii daayay Xabsi ku yaala kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa kadib markii xasaanadda ka qaadayn Gudiga anshaxa ee Baarlamaanka Jubbaland laguna amray Ciidamada madaxtooyada kismaayo in ay xabsiga dhigaan.

“waan ka xumahay xeragi sharci darada ahaa ee laygu geestay Kismaayo, waxaan cadeynayaa in aan iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee Jubbaland, waxaana u tanaasulay deganaanshiyaha kismaayo iyo jubbaland” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taajir.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku wargeliyay shacabkii soo doortay in ay ka war hayaan in uu baneeyay xilkii ay u igmadeyn.

“Anigoo ah xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir) ahna xildhibaan laga soo doortay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxaan u sheegayaa shacabka aan metalo iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed, kadib markii aan arkay kala aragti duwanaan soo noqnoqotay iyo khilaaf soo noqnoqday iyo xariggii la ii geystay 30 January 2018, waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan u tanaasulay shacabka reer Jubbaland iyo Hormarkooda, ayaa waxaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii xildhibaannimo ee aan u hayey shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan shacabka degmada Afmadow, waxaan ka shaqeynayaa mar walbo wax walbo oo hormarin kara shacabka Jubbaland” ayuu yiri Taajir.

Is casilaadda xildhibaankaan ayaa la sheegay in aysan ku imaanin raali ahaansho balse ay ku timid cadaadis iyo dhibaato badan oo loogu geestay gudaha Xabsiga, sidoo kale waxaa ka dambeeyay is casilaadiisa waan waan ka socotay kismaayo oo lagu badalanayay xuriyadiisa, wararka ayaa sheegaya in la isku badashay xuriyadda Xildhibaanka iyo Xilkiisa iyadoo odayaasha iyo siyaasiinta beeshiisa ay xal u arkayn in uu is casilo maadaama ay dhibaato badan ku heysatay gudaha Xabsiga.

kismaayo ayaan laga ogalayn dadka ka aragti duwan madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana dadka ka soo hor jeeda ay muteystaan dil, xabsi iyo xil ka qaadis kuwa xilalka haaya ee ka tirsan Jubbaland.