Video:-Guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ee Hague oo loo doortay Cabdiqawi Axmed Yusuf

Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa maanta u dooratay inuu noqday Madaxweynaha Maxkamadaas Garsoore Cabdiqawi Axmed Yusuf oo ah muwaadin Soomaali ah kana soo jeeda Deegaamada Puntland.
 
Garsoore Cabdiqawi oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta loo doortay in saddexda sano ee soo socota uu noqddo guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Haig.
 
Cabdulqawi waa garsoore Caalami ah waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009.
 
Garsoore Cabdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.
Halkan ka daawo muuqaalka