Maxaa Uqabsoomay Dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo sanad kadib?

Hal sano kaddib, kacaanka 8-da February maxaa lagu xusuusan doonaa:
 
Muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay markii xilka madaxtinnimada dalka loo doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, hadaba sanad kadib maxey yihiin waxyaabaha u qabsoomay dowlada, maxeyse ka gaabisay, mise jiraan caqabado ka hor yimid muddadaaasi?
 
Maxaa u qabsoomay”
 
Dadka taageersan ayaa qaba in dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo ay gaartay guulo la taaban karo ,kuwaasoo ay ka mid yihiin 12-ka qodob ee soo socda.
 
 
 
HESHIISKA SOCDAALKA EE SOOMAALIYA IYO KENYA.
 
Heshiiskaan ayaa meesha ka saaray dhibaatadii Dadka Soomaaliyeed ay ku qabeen garoonka diyaaradaha ee Wajeer oo lagu sii baarijiray.
 
 
MAAMULKA HAWADA SOOMAALIYA.
 
Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guulaysatay in maamulka Hawada Soomaaliya loo soo wareejiyo Muqdisho kaddib mudo dheer laga maamulayay Dalka Kenya.
 
SOO DAYNTA MAXAABIISTA.
 
Waalidiin badan ayaa nasiib u yeeshay inay arkaan eheladooda oo mudo dheer ku xirnaa Wadamada Itoobiya iyo Hindiya, iyagoo dowladda kaga mahad celiyay talaabada taariikhiga ah.
 
SOCDAALKA NABADDA.
 
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Safarka Nabadda oo qaatay 17-maalmood ku maray qaar ka mid ah Gobalada Dalka, iyadoo Safarkaas uu muujiyay kalsoonida dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladda.
 
SHARCIGA ISGAARSIINTA.
 
Sharciga Isgaarsiinta Waddanka oo mudo dheer soo jiitamayay ayay dowladdu sanadkii ugu horayeeyay ku guulaysatay in la ansixiyo.
 
MUSUQMAASUQA
 
Musuqmaasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo dowladnimada ayay dowladdu aad ugu dadaashay in xididada loo siibo, iyadoo uu aad u sareeyo dabagalka iyo isla xisaabtanka.
 
DHAQAALAHA
 
Kobaca dhaqaalaha oo as aas aaska horumarka bulshada ayaa shaqo badan la galiyay, iyadoo la dhisay Madasha Wasaaradaha Kaabayaasha dhaqalaha ee dalka, kuwaasi oo ka shaqaynaya Kobcinta dhaqaalaha.
 
BIXINTA XAQUUQDA.
 
Dhammaan Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ayaa si joogta ah, xiligeeda ugu helay mushaaraadka iyo Xaquuqda ay dowladda ku lahaayeen.
 
SUGIDA AMNIGA.
 
Samaynta Ciidanka Xasilinta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda ayaa aas aas u noqday qorshaha sugidda amniga.
 
TAYADA CIIDANKA.
 
Madaxweyne Farmaajo wuxuu shaqo badan geliyay sidii loo tayayn lahaa ciidanka Qalabka sida iyo sidii loogu dhiirigelin lahaa Shaqada ay u haayaan wadanka.
 
GURMADKA ABAARAHA.
 
Qorsha dowladda ee ahaa anaga ayaa isku gurman karna, oo isku xiray dowladda iyo shacabka ayaa noqday gurmad taariikhi ah oo si deg deg ah loogu caawiyay dadkii ay abaaruhu saameeyeen.
 
GAROONKA ADAN CADDE.
 
Dowladdu waxay ku guulayasay markii ugu horaysay tan iyo bur burkii in Garoonka Adan Cadde uu shaqeeyo xili Habeen ah.