Maxay ku guuldaraysatay Dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo sanad kadib?

Maxaan U qabsoomin?
 
Dhanka kale dadka kasoo horjeeda ayaa u arka in aysan dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo aysan waxba soo kordhin balanqaadyadeediina kasoo bixin,isla markaana guulaha ay sheeganayso ay yihiin igu sawir iyo faan xaqiiqda ka fog.
 
Dadkaas ayaa dhaleecayntooda kusoo koobay 30-kan qodob ee soo socda.
 
1. Xasuuqii Bariirre
2. Dilkii Wasiir Siraaji
3. Kala dirka & isku dirka Rugta Ganacsiga Soomaaliya
4. Qaraxiii 14 October oo ay ku geeriyoodeen 512 qof, ahaana kii ugu weynaa taariikhda Africa
5. Is-casilaaddii Wasiirro iyo safiirro aad ugu dhowaa Farmaajo balse ka yaqyaqsooday heerka musuq-maasuqa iyo dhaqan xumada (Maryan Qasim & C/Raxman Caynte)
6. Isbeddelka joogtada ah ee xilalka ugu muhiimsan (3 duq magaalo, 3 taliye boolis, 3 taliye nabad sugid)
 
7. Xilal muhiim ah oo iska bannaan (Taliyeyaasha booliska,Nabad sugidda, 2 Wasiir, 15 safiir & 26 agaasime)
8. U kala hiillinta dalalka Khaliijka ee walaalaha ah (Qatar oo laga soo qaraabto)
9. Agaasime Madaxtooyo oo ka awood badan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha
10. Xasuuqii 6-dii askari ee ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee lagu laayay Xarunta Xisbiga Wadajir 17-kii December
 
11. Ku duulintaanka iyo cabburinta siyaasiyiinta ka aragtida duwan
 
12. #IguSawir iyo sheegashada libin walba. Faan iyo is-buunbuunin
 
13. Iibsashada farshaxanle Amin Caamir oo 8-dii February ka hor ahaa nin madax bannaan balse haatan ku uruuray jeebka Fahad Yaasiin
 
14. Sameysashada la Taliye-yaal lagu yaqaanno inuu dhimirkoodu dhantaalan yahay sida: Abdulahi telefan,Tarsan ,Awliyo, C/caziiz Xildhibaan, iyo kuwa kale
 
15. U magacaabidda wiilashii dharka u feereyn jiray Farmaajo iyo Kheyre (Tuulax & Cumar) guddoomiye ku xigeennada gobolka Benadir, taas oo muujineysa kalsooni darro gaamurtay.
 
16. Dib u yagleelidda ururkii hubeysnaa ee Al-Ittixad ama Al-Ictisaam oo shirweyne ku qabsaday Kismaayo
 
17. Sheegashada guulo been abuur ah, sida: World Economic Forum in ay ugu horreeyeen 27 sano
 
18. Sameynta guutada baraha bulshada oo ka kooban 500 oo dhallinyaro ah oo bishii $500 qaata, si ay u buunbuuniyaan kacaanka 8da February
 
19. La wareegidda dhammaan ilihii dhaqaale ee dalka sida Dekedda & Airport-ka
 
20. Bixinta qandaraasyada dalka oo loo weeciyo ganacsato, xigto iyo xidid
 
21- dhiibisti Qalbi Dhagax
 
22- Awoodii Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida oo loo weeciyay Raisul wasaaraha kana qeybgala xafaladaha ciidamada sida tii Police Ka, xarig jarki Dugsiga tababarka ee Turkeyga
 
23- Jidadka waaween iyo jidcadayaasha oo laxiro
 
24- Safaro aan Xad lehayn
 
25- Dhagax dhig aan lacag loo hayn
 
26- Shaqaale lagu badasho Shaqaale cusub sharci la’aan
 
27- ka baaqashada xirirka muhiim ka u ah soomaaliya sida kuwi dhacay 2017 ee ahaa Midowga Africa, IGAD Iyo UN-Ka oo uu tagay Ra’isalwasaaruhu.
 
28- Weerarka guri Senetor-ka iyo musqulo leysku jabsho.
 
29- Burburinta Maamul goboleedyada
 
30- weerar lagu qaado Sharafka xildhibaanka oo lagu eedeeyo in uu Dowlado shisheeeye ku xiranyahay aaaan waxba kajirin.
Soomaaliya ka gar iyo ka gar baa waxaa is haysta dadka ay colaaduhu barakiciyeen, qaarna ay abaaruhu ku habsadeen, idaacadaad furtid waxaa ka soo baxaysa hooyo soomaaliyeed oo gaajo iyo hoy la,aan ka cabanaysa,
 
Madaxweyne Farmaajo saxaafada lama socdo miyaa wararka ay ka soo tabinayaan bulshada ay dhibtu ku haysato meel u muuqata villa soomaaliya, sidee damiirkiisu u siiyey in uu xaflad dhigto, faana uu dabo dhigo, dhaqaalena uu ku burburiyo dadkii oo baahi iyo colaadba ay haysato
 
Kuwa saxi waayey ee sacabka u tumaya baa ka sii daran, waa reer ba”ow yaa kuleh
 
 
Nolow nolow, nolow siyaad nolow, haddii ay sheekadu tahayna noo sheega.