Dhagayso:-Ganacsade Mire Oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay ama taageero Ururka Daacish

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga.

Ganacsatada xayiraaddan lagu soo rogay waxaa ka mid ah, Maxamed Mire Cali Yuusuf, oo war-saxaafadeedka ay dawladda Maraykanku soo saartay lagu sheegay in shirkadihiisa Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Company ay taageeraan garabka Daacish ee Soomaaliya.

Waraysi ay la yeelatay laanta Afka Somaliga ee VOA Ganacsade Mire,ayuu ku beeniyay eedayntaas,sidoo kale ku tilmaamay cunaqabataynta lagu soo rogay shirkadiisa mid xaqdaro ah,hoos ka dhagayso codka.

 

 

Halkan hoose ka dhagayso codka Ganacasde Mire