Dhagayso:-Ma dhabaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi wada kulmayaan?

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
 
Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Madaxweynaha dowlada fadaraalka iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.
 
Weli dowladda Fadaraalka Soomaaliya kama hadal wada hadalladan uu wasiirk araimaha dibada Somaliland ka dhawaajiyay iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda dowlada Fadaraalka Soomaaliya ay Addis Ababa isku arkeen,hoos ak dhagayso codka.
Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan