Sawirro:- Waa Maxay Nuxurka Shirka Urur Goboleedka IGAD Ee Maanta ka Furmay M/ Muqdisho?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka wadatashiga dalalka ku midoobay Urur goboleedka IGAD.

Shirkan oo ah mid Xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socda IGAD , madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Arrimaha looga haldayo kulankani ayaa waxaa ka mid ah isku socodka dalalka ku jira IGAD, iyadoo si aad ah looga doodayo sidii loo fududeyn lahaa  arrimaha dal ku galka Visaha.

Waxaana kulankan xooga lagu saari doonaa sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha dhinaca socdaalka ee ka jira dalalka xubnaha ka ah IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayey fursad weyn u tahay shirkani, iyadoona inta badan dadka Soomaaliyeed ay dhibaato kala kulmaan xilliyada ay u safrayaan dalalka IGAD, sida Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

 

 
%d bloggers like this: