Al-shabaab iyo Ciidamada Amisom Oo Maanta Dagaal Culus ku dhaxmaray Duleedka Degmada Balcad

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM oo Barqanimadii maanta ka dhacay Duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii qarax Miino Ciidamada AMISOM lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanada Gololey iyo Ceelka Gelow Ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in qarax kadib dagaal foolka fool ah oo muddo socday uu ka dhacay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka u ka dhashay khasaaro kala duwan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Dhinaca kale waxaa ay faah faahinno dheeraad ah ay ka soo baxayaan Qaarax khasaaro geystay oo Saakay ka dhacay isla duleedka Degmada Balcad ee gobolkaasi.

Waxaana qaraxu uu ahaa nuuca Miinada dhul lagu aaso, taas oo la sheegay in ay la kacday Gaari Yuudhii ah, oo Dhuxul ka doonayay Nawaaxiga degmadaasi Balcad.

Waxaana la sheegay in qarxaasi uu ay ku Geeriyoodeen illaa 2 Qof oo uu ku jiro Darawalkii Gaarigaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan Qaraxaasi.

Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay deegaano hoos yimaada dgmada Balcad .

 
%d bloggers like this: