Falanqeyn isbadal ku yimid hogaaminta Sirdoonka Sudan.WD.Prof.Caalim

Madaxwaynaha Suudaan ayaa bedelay Madaxa sirdoonks iyo Ammaanka, Qaranka sudan wakaaladda wararka ee SUNA ayaa Axaddii sheegtay, in dib loo soo celiyo sarkaal sare oo hore uga tirsanaa ciidanka sirdoonka sudan dawladaha reer galbeedka isku fiican yihiin
 
Sarkaalka ayaa la yiraah Salah Abdallah Mohamed Salih, oo sidoo kale loo yaqaan Salah Gosh, oo madax ka ahaa Adeegga Amniga Qaranka (NISS) intii u dhaxaysay 2004 iyo 2009, ayaa dib loo soo celiyay, isaga oo beddelay Maxamed Atta al-Moula, oo ahaa madaxa sirdoonka sudaan
ilaa sannadkii 2009.
 
Salah godh oo ahaan jiray taliyihii hore ee hay’adda sirdoonka Qaranka Suudaan ayaa waxaa looga shakiyey 2009 in uu ku jiray koox saraakiil ah oo hoos ka waday afganbi dhicisoobay oo la doonayey in xilka looga tuuro madaxweyne Cumar AlBashir
 
ilaa waqtigaa wuxuu ahaa nin la iska ilaaliyo inkastoo wax Danbiya aan lagu helin.
 
Wuxuu waqti dheer ahaa xildhibaan. Wuxuuna ahaa ragii la soo shaqeeyey madaxweyne Bashir ilaa 1989-2009.
 
Madaxwaynaha Sudan. Cumar AlBashiir ayaa dhisay haya’ddii ugu awooda badnayd ee sirdoonka Qaranka Sudan ay yeelato intey sudaan xorta ahayd waxaana magaceeda loo yaqaan NISS
 
Sarkaal sare oo ka tirsan hogaanka Trump ayaa waxay doonayaan in la hagaajiyo xiriirka sudan iyo Maraykanka. Si loo xaliyo dhibaatada koonfurta Sudan.
 
New York Times ayaa soo warisay 2005-tii in saraakiisha sirdoonka Maraykanku ay u ogolaadeen Gosh inuu booqdo dalka si uu ula kulmo CIA-da si loogu abaal-mariyo wadashaqeyntiisa,isla markaana wadankiisa uu uga xakameeyo xagjirnimada looga shakisan yahay iyo in la helo macluumaad ku saabsan al-Qaacida ka dib weerarradii 11-September 2001-dii.
 
Gosh ayaa wali loo arkaa in uu yahay shakhsi awood leh oo saameyn leh madaxweyne Bashiir waxuu ku qasbanaadey in uu afagarad siyaasadeed lagalo ninkan saaxiibka dhaw la’ah reer Galbeedka.
 
Mudane Gosh ayaa waxaa laga suga yaa is badal eeyn inuu ku sameeyo amniga gudaha sudan iyo la dagaalamka kooxaha xag jirka ee ka jira dalalka Sudan iyo Libiya xuduudahooda.