Video:-Madaxweyne Gaas Oo khudbad ka jeediyay Aqalka Dowlada Hoose Ee Xamar

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabada kana jeediyey khudbad taariikhi ah ayaa ka hadlay arimaha soomaaliya iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii madasha amniga qaranka ee 10 bishaan lagu soo gabo-gabeeyey Muqdisho ayaa yiri , ” aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa cashadaan sharafta badan ee uu nagu casuumay saaxiibkay Cabdiraxmaan cumar cisman gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo intiina ka soo qayb gashay fanaaniinta murtida iyo madadaalada halkaan ka soo jeedisay , wax badan meeshaan ka oron maayo lkn waxaan ku faraxsanahay in aan caawa arkano fanaaniinteenii Nakruuma iyo Hibo, aragtidooda iyo imaatinkoodu wuxuu leeyahay dhadhan kaas oo ah xusuus wanaagii dalkeenu lahaan jiray wayna ku mahadsan yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan,dhanka kale waan garananaa sida ay u ekayd caasimada Soomaaliya wakhti hore wanaageedii iyo quruxdii ay lahayd, wajiga iyo quruxda guud ahaa Soomaaliya waa xamar haddii xamar hagaagtana dalka intiisa kale way hagaagasaa, yariisow wuxuu ka mid ahaa dadkii ila soo shaqeeyey xiligii aan Ra’isul wasaaraha ahaa marka waxaan idinka codsanayaa in aad la shaqaysaan waa qof niyad wanaagsan, marka aad iyo aad baad u mahadsan tihiin cashadana waan ka mahad naqaynaa” Ayuu Yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhiirigaliyey gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho in uu ka shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa bilicdii iyo quruxdii caasumadu lahan jirtay barisamaadkii,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka