Video:-Wasiir Cawad”Wasiirka Somaliland wada xaajood lama galin Ee salaan baa na dhexmartay”

Wasiirka arimaha dibada dowlada fadaraalka Somaliya mudane Cawad oo waraysi siinaya Tv-ga SomaliCable iyo wariye Cabdixakiin cabdi ismaaciil,ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo muhiim ah.

Arimaha ugu waa weyn ee uu wasiirka arimaha dibada Somaliya uu faahfaahiyay ama ka hadlay waxaa ugu horeeyay wada xaajood uu horay u sheegay wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire in uu dhexmaray isaga iyo Wasiir Cawad.

Wasiir Cawad ayaa yiri”Ma jirin wax wada xaajood rasmi ah oo na dhexmaray aniga iyo Sacad Cali Shire kaliya waxaa na dhexmaray salaan lama oran karo taas wadaxaajood”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Wasiir Cawad”Aniga layma wakiilan mana jirin amar lay siiyay ama qorshe wada xaajood oo laygu amray in aan la galo Somaliland’

Hadalka Wasiir Cawad ayaa waji gabax ku ah hadal uu todobaadkii hore saxaafada siiyay wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad cali Shire ,kaasoo uu ku sheegay in uu wada xaajood la galay Wasiirka arimaha dibada Somaliya’hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka