Dhagayso:- Ciidamada Dowlada Oo isgabaxay Deegaanadii ay Shabaab ay kala wareegeen iyo Al-shabaab oo ku Soo laabtay

Ciidamada Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa  waxaa lagu soo waramayaa in  ay  isaga baxeen  Deegaanadii ay kala wareegeen Dhawaan kooxda Al-Shabaab.

Wararka naga soo gaaray deegaano ay kamidyihiin  Afgooye Bariire Awdheegle iyo tuulooyin kale oo hoose yimaada ayaa sheegaya in Shabaabku halkaasi ay dib ugu soo laabteen.

 

Ciidamada Dowlada ayaa maalinimadii Isniinta ahayd  waxa ay lawareegeen iyagii kaashanaya Ciidamo Cadaan ah Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Dhanka kale Al-shabaab ayaa Xabsiga utaxaabay Dadweynihii ku soo Dhaweeyay Deegaanka Ciidamadii Howlgalka ka fuliyay halkaasi.

Guddoomiye Ku Xigeenka Shabeellaha Hoose Cabdfataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu burburiyay Koontoroolo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla markaana tuulooyin farabadan ay isku ballaariyeen Ciidamada.

 

Hoos ka Dhagayso.

 
%d bloggers like this: