Ex-Wasiir Siraaji Oo walaalkii ku guulaystay doorashadii kismaayo

Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalaad Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Siraaji oo la dhashey Wasiirkii ee howlaha guud Cabaas Siraaji.
 
Waxaa uu heley Maxamuud C/llahi Shiikh Siraaji codad gaaraya 50-cod, taasi oo fursad u siisay in uu ku guuleysto buuxinta kursigaasi ka bannaanaa Golaha shacabka.
 
Waxaa kursigaasi kula tartantay Gabar lagu magacaabo Fardowso Xuseen Maxamed oo aan helin wax cod ah,iyadoo mid kamid ah codadkii la dhiibtay uu halaabay.
 
Fardowso Xuseen Maxamed ayaa sheegtay in ay aqbashay qaabka ay u dhacday doorashadaasi,islamarkaana soo dhoweysay.
 
Dhanka kale Guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday qaab cadaalad ah,islamarkaana uu kamid ahaa 4 kuraas oo ka bannaaneyd Golaha Shacabka oo mid kamid ah Jowhar dhowaan lagu doortay,halka – kalena Muqdisho iyo Cadaado lagu qaban doono.