Kulankii Ganacsatada Muqdisho iyo Ra’isalwasaare Khayre Oo ismari waa kusoo idlaaday

Ganacsatada Gobolkaan Banaadir ayaa kala qeyb samay kadib kulankii reysul wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la yeeshay.
 
Kulankaas oo leysku mari waayay kuna soo dhamaaday natiijo la`aan kadib waxaa la sheegay in laka fur furay ganacsatadii qaar hadda ay taageersan yihiin reysul wasaaraha qaarka kalane wali ay ku taagan yihiin go`aan kii hore.
 
Mudooyinkaan dambe waxaa hakad ku jira shaqada Dekada magaalada muqdisho oo aan u socon sidii loogu talo galay kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ay joojiyaan in ay la baxaan Badeecadaha uga jira gudaha Dekada, iskaba daa in mid cusub keenaane taasi oo ay kaga biyo diidsan yihiin canshuur lagu soo rogay in laga qaado taas oo ah % 5 qiimaha badeecada ay keenaan.
 
Wasiirka maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mudo todobaad gudahiisa ah tiro laba jeer ah qabtay shir jaraa’id oo u arintaasi kaga hadlayay, isagoo walaac ka muujiyay is faham darada u dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada.
 
Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa dhankooda kulan ay yeesheen waxay ku diideen Canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay , taasi oo noqotay in labada dhinac soo kala dhex-galo isfahmi waa keenay in arintu gaarto Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya
 
Saacadiihi la soo dhaafay waxaa muqdisho kulan ku yeeshay Ra’iisal Wasaare Khayrre iyo Ganacsatada Muqdisho, waxayna labada dhinac isku fahmi waayeen Xalinta cabashadii ay qabeen Ganacsatada.
 
Ganacsatada ayaa diiday bixinta lacagta canshuurta ah ee lagu soo kordhiyay Dekadda Muqdisho, halka Xukumadana ay dalbatay in la bixiyo lacagta dheeraadka ah.