Talyayaashii hay’adaha amaanka fadaraalka Oo la magacaabay

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, ayaa maanta magacowdey taliyayaasha booliska, nabad-sugidda iyo asluubta, kadib kulan ay golaha wasiirada Muqdisho ku yeesheen.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo magagacaabay Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo horey u ahaa taliye xigeenka booliiska,

Talyaha asluubta ayaa loo magacaabay Jenerala Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe, oo horey xilkaasi mar u soo qabtay, ka hor inta aaney isla dowladdan xilka ka qaadin sanad ka hor,

Agaaismaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka,ayaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen, oo hore u soo noqday wasiir ku xigeennada ammaanka iyo caafimadka. Xuseen, sidoo kale waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya xiligan

Haddaba, taliyayaashan cusub ee la magacaabay maxay kaga duwanaan karaan kuwii xilalka uga horreeyey?

Mase loo baahan yahay in lakala saaro amniga iyo siyaasadda? ,

Su’aalahaas waa kuwo ay iswaydiinayaan shacabka Somaliyed ee maankooda ka guuxaya.