Guuxa siyaasadeed Ee itoobiya iyo doorka Soomaalida itoobiya

Dalka Itoobiya waxaa ka jira guux siyaasadeed oo muddo soo jiitamayey, heerar kala duwanna soo marey.

Kacdoon dadweyne oo keenay xukunka deg-dega ah in lagu soo rogo dalka kaasoo markii danbe laga gaaray is-afgarad maxaabiis siyaasaddeed oo mucaarad ah muddo dheerna xirnaa in xabsiga laga sii daayo.

Waxaa xigey, iscasilaadi raysul wasaarihi dalka,islamarkaasna ahaa hoggaamiyihii xisbiga talada dalka haya ee EPDRF.

Dhanka kale waxaa socda wadahadalo udhaxeeya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo jabhada ONLF oo Nayroobi Kenya ka socday,kuwaasoo ay kasoo baxeen is afgarad ah in lasii wado wada xaajoodka bisha April ee sanadkana layskugu soo laabto wareeg kale oo wada xaajood ah.

Haddaba, muxuu yahay qorshaha Soomaalida itoobiya ee guuxan isbadal?

Sidee ayay ula jaanqaadi karaan guuxaaas siyaasadeed ee dalka ka socda?

Majiraan fikirro muuqda oo ku aaddan sidii lagu maareyn lahaa isbaddal kasta oo yimaada?.

Dhamaan Su’aalahaas waa kuwo ku gadaaman xaalada siyaasadeed ee Somalida Itoobiya iyo guuxa isbadaldoonka ah ee sii laba kaclaynaya.

Waxaa xusid mudan in hogaanka Deegaanka Somalida Itoobiya ee xiligan talada hayaa uu yahay mid muujiyay dadaal iyo la jaanqaadid xaalka guud ee itoobiya,balse wali ma gaarsiisna dadaalkiisu heerkii loo baahnaa,