Jigjiga:-In ka badan 1000 Maxbuus Oo uu maanta Cafis ufidyay Madaxweyne Cabdi M.Cumar

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa cafis ufidiyay in kabadan 1500 oo maxaabiis dhaqancelin ugu jirtay xarunta dhexe ee dhaqan toosinta DDSI kuwaas oo isugu jiray nabadiid iyo kuwo galay danbiyo kala duwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen islamarkaana uu gudigu hordhigay madaxwaynaha DDSI. Sidaasna uu madaxwaynuhuna qalinka ugu duugay.

Dhinaca kale maxaabiista heer federaal ku xidhan waxay isugu jiraan laba qaybood:-

1. Kuwo ay maxkamadaha heer deegaan xukumeen oo adaraa ahaan loo geeyay heer federal cafiskooduna uu ku xidhan yahay gudiga cafiska heer deegaan.

Iyo kuwo ay maxkamadaha federaalku xukumeen oo kuxidhan heer federaal. Sidaadarteed, xukuumada deegaanku waxay kacodsanaysaa heer federaal in maadaama oo maxaabiistii qowmiyadaha kale ee ka dambi badnaa la siidaayay sidoo kalena in maxaabiista soomaalida ah la siidaayo dambi kasta oo ay uxidhan yihiin.

Ugudanbayntii waxaa xusid mudan in aysan talaabadani ahayn tii koobaad, labaad, sadexaad… iyo tii ugu dambaysay toona ee waa mid looga bartay islamarkaana dhaqan u ah xukuumada DDSI inay cafis ufidiso maxaabiis fara badan.