Video:-Maxaa kala socotaa heshiiska shidaal baarista Ee Khayre iyo Gaas ay horboodayaan?

Waxaa soo baxaya xogo dheeriya oo sheegaya in uu jiro heshiis shidaal baaris ah.

Heshiiskaas waxa qayb ka ah shirkado shidaal oo caalamiya iyo dowlado ay ka mid yihiin Qadar iyo Kenya.

Ra’isalwasaare khayre ayaa heshiiskan la galay shirakadahaas.

Xilka qaadistii Wasiir Juxaa ayaa wararku waxay tilmaamayaan in uu lugta la galay heshiiskaas shidaal baarista ah.

Juxaa,ayaa eersaday booqashadisii xuduuda Somaliya iyo Kenya ee muranku ka taagnaa waxaana wararku sheegayaan in muranka xuduudu uu qayb ka yahay heshiiska shidaal baarista ee uu saxiixay Rw Khayre.

Dhanka kale waxaa Puntland ku sugan Wasiirka shidaalka dowlada Fadaraalka oo horay usoo raacay waftigii Madaxweyne Gaas ee booqashada ku joogay xamar dibna ugu soo laabtay Garowe todobaadkii lasoo dhaafay

Waxay wararkuu tilmaamayaan in Madaxweyne Gaas qayb ka yahay heshiiskaas shidaal baarista ah,

Ilaa iyo hada heshiiskan mahan mid banaanka usoo baxay ama shacabku wax kala socdaan marka laga soo tago masuuliyiinta sar-sare ee dowlada fadaralka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka