Wasiir Beyle oo faahfaahiyay canshuurta ay dowladu kordhisay Ee isfahan waaga dhalisay

Wasiirka maaliyadda ee Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in qaadista canshuurta iibka ee alaabooyinka jumlada ah ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo dhismaha kalsoonida lagu qabi karo dawladda.

Beyle ayaa sheegay in dawladdu ay ka shaqaynayso midaynta guud ahaan canshuuraha dalka, shirar arrintaas khuseeyana ay socdaan.

Canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay dawladda ayaa waxaa ka ka hor-yimid ganacsatada magaalada mqudisho oo ku dooday in ay badan tahay, waxayna ganacsatadu sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray goobihii ganacsiga suuqa Bakaaraha labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

”Lacagta laga doonayo ganacsatada waa waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka sida dawladda Soomaaliya looga doonayo in ay kasoo baxdo waajibaadkeeda saaran gudaha iyo dibedda ee ay ka midka yihiin bixinta mushaharaadka iyo in ay sidoo kale guddo qaanta lagu leeyahay”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in bixinta canshuurta la’aanteed aysan dawladda Soomaaliya awoodi doonin inay iska bixiso kharashaadka ku baxa maamulka hawlaha dawladda.

Waxaa muuqata mudo ka badan 23-sano oo aan canshuur macno leh laga qaadin Gancasatada Somaliyed in ay hada la qabsan la’yihiin nidaamka Canshuureed ee dowliga ah.