Dib isku hufidii EPRDF oo gabagaba ah iyo doorashadii Oo ay maalmo ka harsan yihiin

Madaxweyne ku xigeenkii kilinka Oromada Mr Dr Abiyyi Ahimad,ayaa loo doortey in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga Oromada Ee OBDO .

Masuulkan ayaa waxaa muuqata in uu noqon doono musharaxa Oromada ee xaafiiska ra’isalwasaaraha itoobiya iyo gudoomiyaha xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF.

Mr Dr Abiyyi Ahimad ayaa horey uga tirsanaa Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ka hor intii aanu noqon madaxweyne ku xigeenka Kilinka Oromada.

Dr.Abiyyi ee maanta loo doortay gudoomiyaha xisbiga muhiimka ah ee Oromada bah wadaagtana la’ah Xisbiga EPRDF ee talada dalka itoobiya haya,ayaa ah Nin Muslim ah.

Doorashada raysal-wasaaraha cusub waxaa ka haray maalmo walina waxaa socda shirarka ay leeyiihiin Xisbiyada bah wadaagta la’ah Urur weynaha EPRDF.

Ururka ANDM ee deegaanka axmaarada iyo ururka SEPDM ee deegaanka shucuubaha koonfureed ayaa laga sugaya in ay soo doortaan sidaanoo kale gudoomiyayaal cusubl.

Marka ay soo dhamaato qiimaynta ururada SEPDM iyo ANDM kadib waxaa la isugu yeeri doonaa golaha dhexe ee EPRDF shirkaas oo uu furi doono raisal-wasaaraha xaafiiska sii banaynaya Hailemariam desalegn iyo kuxigeenkiisa Dembeke Mokenen waxaana halkaas lagu dooran doonaa gudi doorasho oo ka kooban ugu yaraan 5-xubnood oo tirin doona cododka qarsoon ee doorashada.

3-xubnood ama ugu badnaan 4-xubnood ayaa utartami doona xaafiiska raisal-wasaraha ee itoobiya,iyadoo musharax walba uu u baahan yahay in uu ka helo codad golaha dhexe si uu uga mid noqdo musharaxiinta rasmiga ah,kadib cod qarsoodi ah ayaa 180-ka xubnood ee golaha dhexe EPRDF ka koobanyahay oo urur kasta oo ka mid ah Urur weynaha EPRDF uu ku leeyahay 45-xubnood waxay ku dooran doonaan masuulka noqon doona ra’isalwasaaraha cusub. .

Golaha dhexe ee EPRDF marka ay iska dhex doortaan masuulka noqon doona raisal-wasaaraha cusub waxaa loo gudbin doona baarlamanka dalka si loogu hor dhaariyo.

Waxaa xusid mudan in dastuurka dalka itoobiya uusan awood usiinayn baarlamaanka in ay diidaan ra’isalwasaaraha cusub ee laga soo dhex doortay Ururweynaha EPRDF.

Masuulka kusoo baxa doorashada EPRDF ee badali doona Desale lama sadaalin karo in uu noqon doono mid qaboojiya mudaaharaadayaasha isbadal doonka ah ee qowmiyadaha Oromada iyo amxaarada.

Jibril Qoobey.