Video:-Dr.Faadumo Cali Oo si adag ugu jawaabtay Tv-2 Denmark difaacdayna Somalida

Dhakhtarad sare Faadumo Cali oo si adag u difaacday Haweenka Somaliyed ee ku nool Danmark,kuwaasoo mid kamid ah Tv-yda dalku uu ku xadgudbay barnaamij aan dheelitirnayna ka sameeyay.

Faadumo oo maanta waraysi siisay mid kamid ah Tv-yada Denmark ayaa si adag udifaacday haweenka Somaliyed iyo guud ahaan bulshada Somaliyed ee ku dhaqan dalkan Denmark.

”Soomaalida lama mid aha bulshada Turkida iyo Pakistaanta ee u yimid shaqada Denmark,isla markaana watay aqoontooda,Soomaalida waxaa keenay Denmark dhib iyo kasoo qaxid dagaal,kaasoo maskaxdooda gaarsiiyay dhibaato ubaahan kasoo kabasho”ayay tiri Dr.Faadumo..

Faadumo oo hadalkeedii sii wadata ayaa tiri”Marka maaha in TV2 iyo warbaahinta kale, ay kusoo dagdagaan faafinta xumaantooda, Xisbiga Dansk Folkk Part iyo xukuumuduna ay ku daydaan”

”Soomaali waxaa jirta aqoon yahan da’ yar ah, oo wadanka jaamacado uga baxay, ee kuwaas maxaa loo sheegi la’yahay, halka xumaanta kaliya laga hadlayo”ayay hadalkeedii kusoo afmeertay Dhakhtarad sare Faadumo Cali.

Doodan ayaa timid ka gadaal markii maalin ka hor uu Tv-ga labaad ee dalka denmark ugu weyn uu baahiyay muuqaal ceebaynaya hooyooyinka Somaliyed,kaasoo laga soo duubay xarun ay ku kulmaan haweenka Magaalada Odensa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka.