Video:-Fahfaahin dheeriya Oo laga helayo qaraxyadii caawa ka dhacay Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weeraro toos ah iyo qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerar dabley hubeysan doonayeen inay ku qaadaan afaafka hore ee Madaxtooyada.
 
Qaraxyada oo ahaa labo ayaa mid ka mid ah waxuu ka dhacay agagaarka Kayntaroolka banaanka Madaxtooyada, halka qaraxa labaad uu ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo ku taal banaanka Hotelka cusub ee Doorbin ex Baar Fiat ama KM-0.
 
Dabley hubeysan oo saarneyd gaari ayaa ka soo gudbay kayntaroolka Sayidka,iyagoo ku dilay askari barta kayntaroolka joogay oo baara gaadiidka wadada mara.
 
Kadib Gaariga ayaa usoo dhaqaaqay wadada hormarta Taaladii Dhagaxtuur iyo Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo dabley hubeysan ay uga dageen.
 
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee ku sugnaa Koontaroolka dhanka Hotel SYL ay rasaas ku furay gaariga, kadibna gaarigu qarxay,sidoo kale waxaa markii dambe is rasaaseyn ay ka bilaabatay inta u dhaxeysa Taalada Dhagaxtuur iyo dhabarka dambe ee Hotel Siyaad.
 
Dableyda hubeysan ayaa la sheegay in qorshahooda ahaa in ay Madaxtooyada ka weeraraan dhanka Albaabka xiga Hotel SYL, inkastoo aanay u suura gelin oo iska caabin adag kala kulmeen Ilaaladii ku sugneyd.
 
Is rasaaseyn oo muddo socotay ayaa Ciidamada ammaanka waxay ku toogteen illaa afar dabley hubeysan oo xirneyd dhar loo ekeysiiyay dareyska Ciidamada Booliska.
 
Sidoo kale qarax labaad ee ka dhacay halka la dhigto Baabuurta ee Hotelka cusub ee Doorbin ayaa ahaa kan geystay khasaaraha ugu badan, waxaana ku geeriyooday illaa 18-ruux oo isugu jiray Ilaalo Xildhibaano iyo dad wadada marayay oo ka yimid dhanka Xeebta Liido iyo Isbartiibada.
 
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Ciidamada ammaanka ay fashiliyeen weeraro ay kooxo hubeysan soo qaadeen, xaalada amaan ee magaalada gacanta lagu hayo.
 
Qaraxyadan caawa ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kuwo horay Hay’addaha ammaanka ay uga digeen in magaalada ay ku jiraan baabuur qaraxyo saaran yihiin.
 
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weeraradii caawa ka dhacay Muqdisho,

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka