ARAGTIDEYDA URURKA PUNTLAND FOCUS GROUP!.WQ,Farah M Warsame

Puntland Focus Group ???
Puntland Focus Group ??
 
Puntland Focus Group ?
 
 
Puntland Focus Group [PFG] sida magucuba ka tarjumayo haddaan qeexo wuxuu noqonayaa urur isu xilsaaray in ay falanqeyn iyo baaris ku sameeyaan arrin markaa taagan oo loo baahan yahay in wax laga qabto. Falanqeyntaas oo noqon karta mid baaris ama ukuurgalis ku sameyneysa arrimo xal u baahan iyagoo kala munaaqashoonaya dadka ay arrimahaasi khuseeyaan.
 
Dabcan sida muuqata kooxdan Puntland Focus Group waa political focus group oo u taagan in ay diiradda saaraan si ay xal uga keenaan arrimaha siyaasadeed ee Puntand ka jira waqtigan xaadirka ah, kuwaas oo ay ku jiri karto mowduucii ugu horeeyay ee ay war-murtiyoodkooda kaga hadleen ee ahaa ‘Eedeyntii Madaxweyne Gaas ee ku-darshada 2-da sano’. Iyagoo arrimahaasi u maraya qaabka baarista & falanqeynta.
 
Ururka noocan oo kale ah waa urur is-dhexgal (interaction) ku sameeya bulshada, bulshadaas oo ay ka dhaxeyso dan-guud si ay bulshadaas uga helaan macluumaadka ay raadinayaan si xalka uga dhex soo saaraan.
 
Sida qaalibka ah, tallaabada ugu horreysa ee looga baahan yahay in ururka noocan oo kale ah uu sameeyo ayaa ah in uu soo bandhigto ujeedada loo abuura, dadkana is-baro sida ay ugu fududaato in uu howlihiisa si wanaagsan u guto iwm.
 
Midna aan ku xusuusiyo macnaha Focus Group waxaa loola jeedaa ‘focused interviews’ waxaana uu soo shaac baxay kadib dagaalakii 2’aad ee adduunka si qiimeyn loogu sameeyo jawaabaha dhageystayaasha barnaamijyada ka baxa warbaahinta.
 
Intaasi waa macnaha guud ee PFG laakiin maxaa ii muuqday?
 
 
Afeef. Waan ka cudur-daaranayaa wixii saameyn ah ee qoraalkani ku yeesho Akhyaar ama Masuuliyiin ku jira PFG. Masuuliyiintaas oo ixtiraam naga dhaxeeyo, haddana, maadaama arrintu tahay masiir ummadeed kana mid ahay dadka ay magacooda ku hadlayaan waa muhiim in meeshii ka hadal u baahan in laga hadlo si loo helo nidaamka dowladeed ee aynu u baahan nahay. Sidoo kale ujeedada qoraalkaygan kooban kuma jeedo shakhsi ama shakhsiyaad laakiin waa sixid guud iyo fikir aan la wadaagayo bulsho-weynta puntland sida aan u arko in nidaamka dowladnimadu tahay ama u dhisan tahay.
 
 
Aan u soo noqdo mowduuca, Mar haddaad maqashay magaca Puntland Focus Group, fahantayna macnaha uu xambaarsanaan karo, waxaad markaa is-weydiineysaa su’aalahan hoose qaar ka mid ah ama kuwo ka baxsan, kuwaas oo dhammaantood u baahan turxaan bixin:
 
 
Hore ma u maqashay in ay jirto koox loo xilsaaray ama isu xil-saartay Xalka Arrimaha Siyaasadda Puntland ka hor war-saxaafadeedkii aan ku baraarugnay ee ay kaga hadlayeen ku-darsashada [yacni ma qabteen wax introduction ah oo ururkooda ku saabsan]?
Ma qabteen wax discussion ah oo arrimaha ay xalka u raadinayaan ku saabsan? Sida group ama individual discussions iwm.? Discussion’ka aan ka hadlayo ma aha kan dhexdooda ah ee waa kan dadweynaha.
Ma heysaan meel ay wareysiyo ku qabteen (open discussions)oo ay dadka su’aalo ku weydiinayaan maqal ama muuqaal, illeyn arrimaha ay sheeganayaan in au taagan yihiin waa arrimo masiiri ah oo ummadi leedahaye?
Ma sida muuqata in hal arin ay focus’ka saaraan baa [sida waxa loogu yeeray ku darsashada xil ee madaxweynaha Gaas] mise waa guud ahaan siyaasadda?.
Hadduu Madaxweyne Gaas sheegay in uusan wax waqti dheeraad ah ku darsaneyn ma intaasay kaga ekaaneysaa mise way sii wadayaan.
Ma wada joogaan oo ma ku sugan yihiin halka loogu talo galay in howshaasi ka dhacdo ama baaristaas ku ururiyaan oo ah gudaha Puntland?
Ma musharixiin Madaxweyne baa mise waa xisbi siyaasadeed? Iyo kuwo kale.
 
Sidaan soo sheegay, Puntland Focus Group, haddii uu yahay ururka aan sharaxay ee ka shaqeynaya ama xal u raadinaya arrimo siyaasadeed shardiga ugu horreeya ee looga baahan yahay waxaan qabaa in uu yahay in ururkaasi ka dhismi karo oo keliya halka ay khuseyso oo ah gudaha Puntland. Sababtana aan kuu sheego. Xukun walba oo jira cidda uu saameynta ku leeyahay wanaag ama khasaare waa dadka uu u adeego. Dadka la doonayo in arrimahan lagala munaaqashoodana waxay noqonayaan shacabka ku nool gudaha Puntland, iyagoo raadinaya sida ay u arkaan siyaasadda Puntland. Xitaa haddii ay kala munaaqashoon lahaayeen kuwa ku nool qurbaha, dood ka duwan tan hadda taagan ayay yeelan laheyd . Laakiin haddii sida muuqata ururkani uu yahay mid magac keliya xambaarsan, kana jira qurbaha, halka qoraalada laga soo saaroyana ay isla qurbaha tahay, dabcan cidda uu matalo waxay noqoneysaa qurbajoogta Puntland. Markaa wuxuu buuxinayaa shardi kamid ah shardiyada ururada qurbajoogta Puntland, ee ma buuxinayo mid Focus Group macnihiisa xambaarsan.
 
 
Muxuu yahay xalku marka?
 
 
Mar haddii ururkani arrimahaas aan soo sheegay iyo kuwo kale oo la mid ah uusan nooga jawaabi karin, waxaa habboon in aan waqti lagu lumin weliba TALO ayaan siinayaa musharixiinta hanka kaga jiro hogganka Puntland in ay ka fogaadaan arrimaha qaar, kuna milmin ururo iyo kooxo ajendayaashooda aan la garaneyn.
 
Nin oday ah ayaa hadda ka hor laga sheegay, ‘Weligeey hal mar baan xaasid noqdaa, markaan arko arrin aan ka sii digay oo lagu soo guuldareystay!’.
 
 
 
WQ Farah M Warsame
 
Aqoonyahan Soomaaliyeed
 
ahna Gud/hore ee Jaaliyadda
 
Soomaalida Australia.