Ciidamada amaanka Puntland Oo Qaad fara badan ku gubay kantaroolka Bosaso

Kantaroolka Magaalada Bosaso waxay saaka ku gubeen ciidanka amaanka dhawr iyo toban jawaan oo Qaad ah,kaasoo si sharci daro ah kusoo galay Puntland.
 
Qaadkan ayaa kantaroolka Magaalada waxaa ku qabtay ciidanka ilaalada canshuuraha Puntland qaybtooda Gobolka Bari.
 
Qaadkan ayaa ahaa mid aan wax fasaxa ka haysan Puntland,isla markaana la qorshaynayay in si qarsoodi ah lagu galiyo gudaha Magaalada Bosaso.