Doorashadii dalka Sierra Leone dib loogu celinayo markale

Dad reer Sierra Leone ayaa muddo laba todobaad gudahood ah u dareeri doona doorasho labaad oo ku celis ah, kadib marki ay 16 musharax oo u tartamay wareegi koowaad ee doorashadi madaxtinimada uu midkoona heli waayay tiradi la rabay ee boqolkiiba 55.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada, Mohammed Nfa’ali Conteh ayaa xalay ku dhawaaqay in wareega labaad ay ku tartami doonaan Dr. Samura Matthew Wilson Kamara oo ka socda xisbiga All People’s Congress iyo Julius Maada Bio oo ka sharraxan xisbiga Sierra Leone People’s Party.

Madaxweynaha hadda talada haya Ernest Bai Koroma ayaa ku khasban inuu xilka ka dago dhamaadka sannadkan, kadib marki uu dhameystay labada xilli ee uu u ogolyahay dastuurka dalkaasi.

Wareegii koowaad ee doorashada Sierra Leone ayaa u dhacday si nabad ah, balse hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda in ay xaqiijiso in dadka reer Sierra Leonean ay six or ah u ololeyn karaan wareega labaad ee kala baxa ah ee doorashada.