Dr Saadiq Eenow iyo Taxanahiisii Damaca Imaaraadka

Jasiiradda Sawaakin waa shax siyaasadeed oo Turkigu cayaaray, taas oo u dhiganta dhagaxii dhowrka shimirood lala beegsaday. Cubtan siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladaha xulufada ayuu kafaddii kale ee miisaanka ka cousleeyey. Dowladahaasi oo ah xulufada carbeed ee doonayay in ay badda Cas ka taliyaan si ay ugu gacan sareeyaan waddadaas ahmiyadda u leh ganacsiga adduunka. Sacuudiga wuxuu xeebta badda Cas ku leeyahay 2,400 oo km. Masaariduna waqooyiga ayay ka fadhidaa, iyada oo haysata marinka madiiqa Suweys. Imaraatka ayaa iyana degaano istraateeji ah ka fariisatay baddan. Turkiga oo saddexdaas dal ay ka dhexeyso xarig-jiid siyaasadeed, ayaa jasiiradda Sawaakin waxay u noqotay meel uu ku dheelli-tiro cubtan siyaasadeed oo xooggan oo kala dhexeeya saddexdan dal.

Dowladaha Turkiga iyo Suudaan, in-kasta oo ay sheegeen in mashruuca jasiiradda Sawaakin uu yahay mid aanan xiriir la lahayn saldhig ciidameed, misana goorta iyo goobta ayaa tilmaamaya khatarta ay dareemeen dowladihi doonayay in ay badda Cas ku saad-caleeyaan. Lama sheegin goorta uu heshiisku ku eg-yahay, jasiiradduna waxay ku dhacdaa goob istraateeji ah. Sidaas ayuu heshiisku wuxuu u dhaliyay shaki xooggan. Si-kasta oo ujeeddadu tahay, waxaanan shaki ku jirin in mashruucan uu yahay mid Turkigu uu ku cadaadinayo dowladaha xulufada ah, taas oo uu gacan kaga heley Suudaan. Dowladaha uu kula cubtamayo saldhiggan waxaa kamid ah Imaraatka Carabta oo lug wayn ku lahaa inqilaabkii laysku deyey in lagu af-gembiyo xukuumadda Turkiya ee Erdogan madaxda ka yahay. Isku-deyga af-gembigaas oo ahaa mid dhicisoobey ayaa wuxuu dhacay 15/ 7- 2016-kii, kaas oo ay hoggaaminayeen rag kamid ah saraakiisha ugu sareeya ee ciidamada iyo amniga dalka. Wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga, Gaawiish Ooglo ayaa af-gembigii dabadiis wuxuu caddeeyey in uu jiro dal islaam ah oo ku labnaa af-gembigaas, kaas oo howl-galladii af-gembiga ku bixiyay 3 bilyan oo doollar. Dalkaas ayaa goor danbe waxaa lagu sheegey in uu ahaa Imaraatka Carabta.

David Hearst waa wariye u dhashay dalka Ingiriiska. Isagu waa asaasihii shabakadda wararka ee la yiraahdo Middle East Eye. Wuxuu sheegey, dhowr toddobaad ka hor intuusan fashilmin af-gembigii Turkiya, dhaxal sugaha dalka Imaraatka Maxamed bin Zaa´id in uu go´aamiyay in hanti badan uu u dhiibo wadaadka la yiraahdo Fatxu-laahi Goolan. Wadaadkan ayaa wuxuu yahay ninka ay dowladda Turkiga ku eedeyso in uu waalid ka ahaa af-gembiga. Lacagtaas waxaa u qaaday ninka Falastiiniga ah ee la yiraahdo Maxamed Daxlaan, kaas oo ay xiriir dhow leeyihiin amiirkan. Daxlaan ayaa wuxuu yahay shakhsiyad aad looga doodo, isaga waxaa laga soo eryey golihii dhexe ee ururka Al-Fatax, waana looga digay in uu dib ugu laabto degaanada Falastiin. Isaguna nin falastiin u dhashay oo Mareekanka ku nool ayuu wadaadkii ugu xawiley lacagtii.

Waxaa kale oo wariyaha Ingiriiska ah uu sheegey, Fatxu-laahi Goolan in inqilaabka dabadiis uu ka hadlay quraarad (Television) uu leeyahay Maxamed Daxlaan oo la yiraahdo Al-Qad oo macnaheedu tahay (Berri). Fatxu-laahi Goolan ayaa markaas dowladaha reer galbeedka wuxuu ugu baaqay in ay ridaan dowladda uu Erdogan odeyga ka yahay. Khaanadihii internet-ka ee laga jabsaday danjiraha Imaraatka ee fadhiya Mareekanka danjire Yuusuf Al-Cuteyba, qudhooda waxaa laga heley ogaallo muujinaya in Imaraatku ay ku lug-lahaayeen af-gembigii Turkiya ee fashilmay. 9/ 7- 2016-kii, afur ballaaran oo xisbiga cadaaladda iyo hor u-marinta uu ku qabtay Istanbuul ayuu ka hadlay madax-wayne Rajab-Dayib Erdogan. Waxaa hadalladiisii kamid ahaa:

” Si-wanaagsan ayaanu u garanaynaa kuwa khaliijiyiinta ah ee ku faraxsanaa isku-deyga af-gebigii fashilmay. Haddii ay leeyihiin jawaasiis u shaqeeya, annaga qudheenu waanu leenahay jawaasiis inoo shaqeeya. Si wanaagsan ayaanu ula soconnaa sida ay habeenkoodaas ku dhamaysteen. Si wanaagsan ayaanu ula soconnaa kuwa sida ay ugu dhafreen xaaladaha habeenkaas dhacay si uu af-gembigu u guuleysto. Waxaanu og-nahay maalka ay ku bixiyeen isku-deygii af-gembiga ”.

Saldhigga Sawaakin wuxuu Imaraatka ku noqday caqabad hor-joogsata damacii ay ka lahaayeen badda Cas. Damacaasi ayaa wuxuu isugu jiray siyaasad, dhaqaale iyo istraateejiyad. Sal-dhiggu wuxuu soo af-jaray riyadii ahayd in Imaraatka ay ku gacan sareeyaan badda Cas. Imaraatku sanooyin horteed ayay bilaabeen damacaas ay ku hananayaan gacan-sareynta xeebaha badda Cas. Qofkii eega joqraafiga degaanka iyo meelaha ay shirkadda DP-World ka caga-dhigatay badda Cas iyo geeska Afrika wuxuu fahmayaa is-ballaarinta deegaan-siyaasadeed oo Imaraatku ay doonayeen.

Waxaa kale oo Turkigu uu arintan kula legdamayaa siyaasad ka baxsan badda Cas oo Masar ay ka bilowday degaanka koonfur-bari ee Yurub. Laba dal oo dhanka koonfurta kala deris ah Turkiga ayay Masar waxay wada-galeen xulufo siyaasadeed.
Waddamadan oo madaxdeedu ay sanad-walba hal mar isu-yimaadaan ayaa waxay kala yihiin Qubrus iyo Giriig. Dowladda Masar oo ololihii mashruucan waayeel ka ahayd, ayaa magaalo-madaxdeeda Qaahira ku qabatay shirkii ugu horeeyey oo ay ku kulmaan masuuliinta dalalkan. Bishii november sanadkii 2015-kii, waxaa qaahira isugu tegey Cabdi-fataax Siisi (Masar), Nikos Anastasiaes (Qubrus) iyo Alexis Tsipras (Giriig). Iyagu waxay isku af-garteen in ay yeeshaan is-bahaysi leh istraateejiyad deegaan-siyaasadeed oo ay ka mideysan yihiin, taas oo ay ku dhowrayaan nabadeynta bariga badda Dhexe. Iyagu waxay isku bahaysteen is-kaashi siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ganacsi. Turkiga oo heshiiskaas dhibsatay ayaa sal-dhigga Sawaakin iyo heshiiska Suudaan wuxuu u yahay dhagax kale oo ay kula cubtamayaan is-bahaysigan ka dhismay koonfurta dalkiisa.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa iyaduna waxay kamid tahay xulufada carabta is-bahaystay. Sacuudigu waxay isu arkaan in ay yihiin dowladda hoggaanka u haysa ummadaha Islaamka ah. Labada degmo oo xurmeysan (Maka iyo Madina) iyo xaruntii ay ka curatay diinta Islaamka oo dalkeeda ku yaal, markii la raacsho hantida badan oo ay ka heshey shidaalka ciiddeeda oo deeqaha ay ka bixiso, labadaas arimood ayaa u sabab ah hanka ku beermey. Turkiya oo dooneysa dhagax saddexaad oo ay Sacuudiga la dhacdo ayaa saldhigga Sawaakin wuxuu muujinayaa in ay dalka Sacuudiga bari (Sawaakin) iyo galbeed (Qatar) ay ka fadhido. Waxay halkaas kula baratamaysaa Sacuudiga curadnimada ummadaha Islaamka ah. Ka sokow dhaqaalaha, siyaasadda iyo teknolojiyada ay ku hor-mareen, Turkigu wuxuu daba socdaa raadka taariikhdii awoowayaashood ee boqortooyadii Cismaaniyadda.
Qore: Dr. Saadiq Enow
[email protected]