Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Oo kulan deg-deg ah ka yeelanaya Mooshinka Jawaari

Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulan deg deg ah ka yeelan doona Saacaddaha soo socdo Mooshinkii laga soo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa lagu wadda in ay ka hadlaan sida loo waji doono Xaaladda Mooshinka, islamarkaana loo xaqiijin lahaa tiradda Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay.

Waxaa sidoo kale jira Xildhibaano kulamo kala duwan la leh Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddiga joogtadda ah ayaa lagu waddaa in ay sidoo kale ka hadlaan xilliga uu Mooshinkaasi la meelmarin doono, iyo in uu  soo maray hanaanka Sharciga.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kadib markii saakay ay warbaahinta kula hadleen magaalada Muqdisho.