Saynisyahan #Stephen #Hawking oogeeriyooday

Stephen Hawking oo u dhashay dalka UK ayaa ahaa saynisyahan caalamka oo dhan laga yaqaan isla markaana ku takhasusay culuumta Astronomy iyo Physics.

Hawking ayaa wax badan ka qoraycilmiga falaga, waxaana kamid ahaa buugaagtiisa sida weyn loo akhristo buug uu qoray sanadkii 1988 oo uu ciwaan uga dhigay; A Brief History of Time.

Wuxuuna bare ka ahaa jaamacada University of Cambridge ee dalka UK.Wuxuu dhawaan ku biiray aqoonyahanada soo dhaweeyey dhaq dhaqaaqa loo yaqaan (BDS) The Boycott, Divestment, Sanctions ee doonaya inay cadaadiska saaraan Israel inay xuquuqdooda siiso shacabka Falastiin, wuxuuna sanadkii 2013 diiday inuu booqdo Israel oo lagu casumay, kadib markii ay sidaa kacodsadeen aqoonyahanada reer Falastiin.

Aqoonyahankan ayaa waxaa ku dhacay cudurka loo yaqaan ALS markuu jiray 21 sano, cudurkaasi oo baralis ka dhigayey xubnaha jirkiisa 55 sano ee lasoo dhaafay, walow uusan marnaba ujoojin shaqadiisa.

Cudurka ALS ayaa inta badan dadka uu ku dhaco ay dhintaan 2 illaa 3 sano gudahood, waxayna dhakhaatiirta horey ugu sheegeenHawking inuu dhiman doono intuusan gaarin 25 sano, balse ninkan ayaa xalay ku dhintay da’da 76 sano.

Xigasho: Ustaad Suliaman Bashir Isse