Video:-Mooshin ka dhan ah Gudoomiye Jawaari Oo Gudoonka baarlamaanka gacanta laga saaray

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanno boqol kor u dhaafaya oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo mooshin ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Sida uu ku soo waramaya weriyaha BBC-da Cali Nuur Salaad qaban-qaabada mooshinkan ayaa xalay oo dhan waxa uu ka socday gudaha magaalada Muqdisho.

Sida ku cad qoraalka mooshinka ay xildhibaanada u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka, guddoomiye Jawaari ayay xildhibaanadani ku eedeeyeen arrimo ay ka mid yihiin in uu hareer maray dastuurka dalka, taa oo ay sheegeen in ay waxyeeli karta qarannimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen xadgudub ka dhan ah xeer hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari wali kama uusan hadlin eedeymaha uu xambaarsan yahay mooshinkan oo la sheegay in xildhibaanadu ay u gudbiyeen ku xigeenka koobaad ee guddoonka baarlamaanka.

Kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka markii uu furmayay ayaa guddoomiye Jawaari waxa uu soo taxay hindise-sharciyeedyo badan oo ay ahayd in golaha fulinta uu u soo gudbiyo baarlamaanka, kuwaa oo uu sheegay in aanan wali la soo gudbin, waxa uuna ka codsaday golaha fulinta in arrintaasi ay soo dedejiyaan.

Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhan ah madaxda qaranka oo rasmiyan baarlamaanka la hor keena tan iyo markii la soo doortay baarlamaanka hadda jira muddo haatan laga joogo in kabadan hal sano,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka