Video:-Kulan lagu taageerayo go’aankii Baarlamaanka Ee cayrinta DP WORLD Oo ka dhacay Bosaso

Magaaladda Boosaaso waxaa galabta lagu qabtay kulan lagu taageerayo go’aankii Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay dekedaha Soomaaliya kaga mamnuuceen shirkadda DP World
 
Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxagard, waxayna fariin ugu direen maamulka iyo baarlamaanka Puntland inay ayidaan oo aysan ka aamusin go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaaray shrikadda DP World.
 
Kulankan oo ay ka soo qayb gleen in ka badan 100 qof ayaa wuxuu ku soo beegmayaa maalin ka dib go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku mamnuucay shirkadda DP World iyadoo maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Hadaba Tv-ga Somali Cable ayaa qaar kamid ah waxgaradkii kulankaas ka qaybaglay la yeeshay waraysi,hoso ak daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka