Video:-Maxaa laga dheehan karaa dhagaysiga Kongarayska Maraykanka Ee arimaha Amniga iyo Siyaasada Somaliya.WD,Saalim

Arrimaha laga dheehan karo dooda iyo dhegaysiga kongreeska Maraykanka ay ka yeesheen arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ee hoos ku lifaaqan, waxaa kamida :

1- Kongreeska waxa uu Soomaaliya wali uarkaa dawlad faashil ah oo nugul , walina dalku waa mid khatar ugu jira gaajo, colaad iyo abaaro.

2. Tartanka iyo lagdanka dawladaha shisheeye oo khatar ku haya dawladda taagta daran iyo xasiloonida dalka (khubarada Soomaalida ee la dhegaystay iyo xubnaha Kongreesku waa wada muujiyeen walwalkaas).

3. Shabaab wali waa awood xoogan oo waliba hadda aan ka fogayn caasimadda , walina AMISOM dalka lagama saari karo.

4- Ciidan Soomaaliyeed oo wax iska celin kara ama la aamini karo ma jiro , Maraykankuna musuqmaasuqa awgiis ayuu taageradii uu siin jiray ciidanka uga jaray.

5- Maraykanku wali ookiyaale amni ayuu ku eegayaa Soomaliya iyo inay tahay goob lagu baacsado argagixisada taas oo aan wax badan ka qabanayn dawlad dhiska iyo dib usoo kabashada dalka .

6. Maraykanku wali waxa uu ku socdaa istiraatijadiisii ahayd maaraynta dhibta Soomaaliya ee aan ku dhisayn marna xallinta dhibta Soomaliya (conflict management rather than conflict resolution).
7- Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan waliba qaan gaarin , kuna mashquulsan khilaafaad iyo mooshino dhexdooda iku ridaan, xilliga dooda waxaa Xamar ka socday mooshin lagu tuurayo gudoomiyaha baarlamanka (waxaa aad arrintaa uga dhawaajiyay xeel dheerihiika socday Heritage oo fikradiisa la dhegaystay).

Dabcan,dhegaysigaan waxa sameeyay waa kongereeska ,laakiin Maraykanak siyaasadiisa waa isku xiratahay, guuxa iyaga kasoo yeerayaana waa isla guuxa ka jira wasaaradda arrimaha dibadda iyo difaaca,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka