Agaasime ku xigeenkii hore ee FBI-da oo soo bandhigay warqad sir ah

Agaasime ku xigeenkii hore ee laanta dembi barista FBI-da Mareykanka, Andrew McCabe ayaa soo bandhigay warqad sir ah oo ku saabsan wadahadal dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Donald Trump, taaso ku saabsan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii 2016-ka.
 
Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warantay in warqadani sirta ah ay sii xoojin karto wararka sheegaya in madaxweyne Truymp uu baal maray sharciga.
 
Mr McCabe ayaa shaqada FBI-da laga eryay maalintii jimcaha, waxaana madaxweyne Donald Truymp uu ku eedeyay ninkani inuu dhinac u janjeero.
 
Baaritaanada ku aadan faragelinta Ruushka ayaa waxaa hogaaminaya Robert Mueller oo horay uga tirsanaa FBI-da, waxaana ilaa iyo imika uu xusay 19 qof oo la rumeesanyahay inay ku lug leeyihiin eedeymaha ka dhanka ah Ruushka.
 
Maxay tahay sababta shaqada looga eryay McCabe?
 
Agaasime ku xigeenkii hore ee laanta dembi barista FBI-da Mareykanka, Andrew McCabe ayaa in muddo ah waxaa ku socday baaritaano hoose oo ay sameeneysay FBI-da Mareykanka, waxaana Mr McCabe uu xilka agaasime ku xigeenka dhinac uga istaagay bishii Janaayo ee sannadkan si loo soo gabagabeeyo baaritaanada ku socda.
 
Andrew McCabe ayaa se shaqada laga eryay maalmo kahor inta aanu noqonin howglab.
 
Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Jeff Sessions oo shaqada ka eryay Mr Andrew ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii la soo gabagabeeyay baaritaan qotto dheer lagu ogaaday in McCabe uu warbaahinta u gudbiyay waxyaabo aan loo amrin oo aan waxba ka jirin.
 
Madaxweyne Trump ayaa horay u dhaleceeyay ficilada Mr Comey, waxaan uu sidoo kale soo dhaweeyay tallaabada uu xeer ilaaliyaha Mareykanka uu shaqada kaga eryay ninkani.
 
Wararka sheegaya in Mr McCabe uu keydiyay maclumaadka ku saabsan kullanka dhhexmaray isaga , Trump iyo agaasimihii hore ee FBI-da ayaa soo shaac baxay maalintii sabtida.
 
Mr Comey aya caddeeyay in Madaxweyne Trump uu ka codsaday inuu daacad u nqodo isaga, sidoo kalena uu meesha ka saaro baaritaanadii ku socday la taliyihii hore ee Trump ee dhanka ammaanka Michael Flynn.
 
Mr Comey oo ka hadlay tallaabada shaqada lagaga eryay ayaa sheegay in uusan sameynin wax khalad ah.
 
 
Xigasho BBC.