Madaxweyne Farmaajo Oo ka baaqday booqashadisii Qadar iyo Mooshinkii Oo wali taagan

Madaxweynaha Jamhuuriyada oo ugu anba bixi lahaa Magalaada Doha ee dalka Qadar booqasho rasmi ah oo qaadan lahayd sadex cisho ayaa baaqday.
 
baaqashada Madaxweynaha waxaa sababay xaalka Xamar ee meesha aag maraya.
 
Waxaa jira wada xaajood usocda Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari wali wax cad oo kasoo baxay majiraan.
 
Wararka qaar ee laga helayo muqdisho,ayaa sheegaya in ay ubadan tahay in wada xaajood lagu dhameeyo xaalada kacsan,halka warar kalena ay sheegayaan in Gudoomiye jawaari lagu cadaadinayo in uu iscasilo oo uu kursiga baneeyo ka hor intaan laysla gaarin in cod lagu kala baxo. dhamaan xogahan mahan kuwo jiritaankooda la xaqiijin karo.
 
Dhanka kale waxaa jira dadaal xoog leh oo ay wdaaan safiirada dowladaha reer galbeedka kuwaasoo laga yaabo in ay maanta Xamar soo wada gaaraan hadii xaalku sii adkaado.
 
Isku soo wada duuboo waxay umuuqataa in Gudoomiye Jawaari looga adkaanayo xaalada siyaasadeed ee kacsan.