Madaxweyne Gaas Oo amray dagaal ka dhan ah Somaliland

Waxuu amray in ay Ciidamada Puntland ay weerarku ku qaadi karaan fariisimada Ciidamada Somaliland ee bil ka hor qabasaday deegaanka Tukaraq Madaxweyne Gaas sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw-dhaw madaxtooyada Puntland oo lagu kasloonaan karo.
 
Tukaraq waxay sanadihii udanbeeyay u ahayd maamulka Gobolka Sool ee Puntland xarun ay kusii shaqeeyaan.
 
Amarka Madaxweyne Gaas,ayaa yimid bil kadib diyaar garow xoog leh oo ay Puntland samaysay,iyadoo xoguhu ay sheegayaan in Ciidamada Puntland si weyn loo diyaariyay looguna dhamaystiray guud ahaan agabkii ay ubaahnaayeen.
 
Shacabka Puntland ayaan markan xiiso u ahayn weerar lagu qaado maamulka Somaliland waxaana muuqata niyad jab xoog leh oo ku habsaday shacabka,kaasoo ku wajahan hogaaminta Madaxweyne Gaas oo ay dadku ka daaleen.
 
20-ka bishan waxii ka danbeeya ayaa la filan karaa in Puntland ay qaado weerar ay dib ugu soo ceshanayso deegaamada Gobolka Sool ee gacanteeda ka maqan.