Video:-Muuse Biixi”Qadar waxay khatar ku tahay heshiiskayaga DPWORLD”

Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi ayaa u sheegay Jariidad kaso baxda dalka Imaaradka Carabta in dowladda Qatar ay carqaladeynayso heshiiska Somaliland ay la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaradka.

Mr Bixi ayaa u waramay Jariidada Alceyn waxana uu u sheegay in dowladda Qatar ay ka shaqeenayso sidii meesha looga saari lahaa heshiiska maalgashi ay la saxiixdeen shirkadda DP world.

Waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir maalgashi ah oo kala dhaxeeya dowladda Qatar marka loo eego Sacuudiga iyo Imaaradka oo xiriir dhow ah ay leeyihiin.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga digay Qatar inay joojiso faragalinta toos ah uu sheegay inay ku hayso heshiiskaasi inkastoo si dhab ah uusan u cadeen qaabka ay Qatar saameynta ugu leedahay heshiiska dhacay balse waxaa xusid mudan in Qatar ay colaad diplomasiyadeed kala dhaxeeyo dalka isku taga Imaaradka Carabta.

Dowladda Qatar ayaan ilaa iyo hadda ka jawaab eedeynta kaga timid Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka