Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowlada Fadaraalka Oo lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa caawa degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Macalin Nuur waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya,
 
Sida ay noo xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka,waxaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, isla goobta ayuuna ku geeryooday.
 
Durba goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Maamulka degmada iyo Ciidamada ammaanka, balse ma aanay suuragelin in gacanta lagu dhigo Dableydii dilka geystay.