Booliska Faransiiska Oo toogtay Nin weerar gaystay

Booliska dalka Faransiiska ayaa toogasho ku dilay nin hubeysnaa oo dhowr qof xoog ku heystay dukaan weyn oo ku yaala magaalada magaalada Trèbes, ee koofurta Faransiiska.
 
Ninkaasi ayaa ka hor inta aanu dadka ku qabsan xarrunta lagu dukaameysto, ayaa waxa uu weeraro ka geystay meelo kale.
 
Ninkan, oo lagu sheegay 26-jir lagu magacaabo Redouane Lakdim, ayaa sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.
 
Waxaa la rumeysan yahay inuu saddex meelood ku dilay kuna dhaawacay dad.
 
Waxaa la sheegay inuu aad u hubeysnaa uuna dalbanayay sii deynta Salah Abdeslam, oo ah nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weerarradii 13-kii November 2015 ka dhacay magaalada Paris, kaas oo ay ku dhinteen 130 qof.