Dowlada fadaraalka ah Oo war kasoo saartay lacagta Boorsooyinka laga soo buuxiyay Ee imaaraadka

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay Boorsooyin lacag laga soo buuxiyay oo lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, warsaxaafadeedka ayaa sidaan u qornay.

Shalay barqadii abbaaro 11:40am waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737.

Diyaaraddan waxyaabaha ay sidday waxaa kamid ahaa 3 boorso aan calaamadeysnayn. Hawl wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.

Shaqaalaha garoonka oo ka shakiyay boorsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.

Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Mareykanka ah).

Hay’adaha amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka.

Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ay caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.

Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.

 

 

 

Halkan ka akhriso:-