Gudoomiye Jawaari Oo la shaaciyay in uu ogolaaday iscasilaad in uu ku dhawaaqo maalinka Arbacada ah

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaciyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu is casilay, isla markaana mooshinkii ka yaallay la laalay.
 
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa goor dhawayd xildhibaannada Baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya u akhriyay warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
 
“Waa Rasmi Guddoomiye Jawaari waa is casilay, Mooshinkii waa la laalay”ayuu yiri Mr Xoosh qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
 
Sidoo kale Xildhibaano ay xiriir la samaysay idil News ayaa u xaqiijiyay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey oo soo gaaray xarunta Golaha Shacabka uu ku wargelyay inuu Jawaari is casilay, isla markaana maalinta arbacada ah uu kulanka guud kaga dhawaaqi doono.