Saldhigyada daacishta Puntland Oo la garaacay

Wararka laga helayo deegaamada gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe duqeyn loo geystay fariisan ay ururka Daacish ku lahaayeen meel u dhow tuuladda Dhaadaar ee ka tirsan buuraleyda degmada Qandala.
 
Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaaqa duqeynta. Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamadda ammaanka Puntland oo ka gaabsaday magaciisa,ayaa sheegay in duqayn dhinaca cirka ah lala beegsaday goob ay degan yihiin ururka Daacish ee uu hogaamiyo horjooge Cabdulqaadir Muumin.
 
Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeyntan oo la sheegay inay fuliyeen diyaardo dagaal. Sidoo kale, ma cadda khasaaraha iyo shaqsiyaadka lala bar-tilmaameedsaday duqayntan.