Wasaarada amniga fadaraalka Oo beenisay in Xamar kala xiran tahay

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn,isla markaana ay Ciidamadu ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta amaanka muwaadiniinta.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay,waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah.

 

 

Halkan ka akhriso war Saxaafadeedka:-

 

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay bogaadineysaa Ciidamada Amniga qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaal weyn iyo naf-humimo ay ku badbaadiyeen Nolosha Dadweynaha, kana hortegay falalkii argagixiso ee kooxaha Nabad-diidka ah lsku dayeen inay fuliyaan.

Wasaaradda waxay shacabka Muqdisho la wadaageysaa inaysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada Muqdisho, balse Wasaaradda Amniga Gudaha waxay wadaa qorshe dib u habeyn ah oo Ciidamada Amniga ay ku sit xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka Muwaadiniinta, kuna fududeynayaan isu socodka Bulshada iyo Gaadiidka Caasimadda.

Sidoo k%e waa waxba kama jiraan in Magaalada Muqdisho kala xiran Ahay, taasoo ah dacaayad been abuux ah. Ujeedka Wasaaiadda Amniga iyo qoishaha xukuumadda Soomaaliya waa in Muqdisho ay noqoto I\fagaalo nabdoon, iyadoo €iiidamada Boo8ska iyo Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda u taagan yihiin xoojinta nabadgelyada iyo ka hortagga fal%ka amni darxo.

Waxaan shacabka ka codsaneynaynaaa may Ciidamada la shaqeeyaan, kana qeyb qaataan sugidda ammaankooda, iyagoo xusuusan in Ciidamada Qalabka Sida ay Hax iyo Habeen u taagan yihiin wadooyinka  in Muwaadinku  helo  Nabadgelyo.

Ugu dambeeyn, Waxaa la farayaa Ciidamada inay muwaadiniinta ula dhaqmaan si ay ku jirto xaqdhowrid, ixtaam iyo u dhimrin

Mahadsanidiin.