Xilagube iyo Xareeda

 

Xilagube iyo Xareeda

Say iyo ooridii iyo carruutii ay dhaleen ayaa tuulo yar ku wada noolaa. Halkaa ayay dhowr neef oo xoolo ah, makhaayad iyo dukaan yar ku haysteen.

“Gacaliye, Gugii baa soo dhowe, dayrka aqalka inaga moos daadka roobka yaanu aqallada, xoolaha iyo carruurta la tegine.” – ayay Xareeda odaygeedii ka codsatay. Xilligii daruuruhu curan jireen ama la fili jirey wali laba toddobaad ayaa ka hadhsan.

“Gacaliso, waa hagaage, bal maanta wax uun aan ku qayilo ii yara dhiib. Hawshaa aniga igu hallee, ‘dhag, dhag!’ baan goor dhow ka siinayaa.” – ayuu ku warceliyey.

Qado ayay siisey, intii uu ka dalbadayna way u dhiibtey. Xoogaagii buu la durduriyey oo halkii uu ku qayili jirey la tegey. Isagoo malafsanaya oo findhicil afka ugu jiro ayuu fiidkii aqalka ku soo laabtay. Wuxuu xaafaddii ku soo noqday iyadoo xoolihii la lisay, la kala xareeyey, dukaankii iyo makhaayaddii la xidhey, carruurtii iyo afadii wada seexdeen. Xoogaa cunto ah oo weel yar ku daboollaa ayuu cunay. Cabbaar ayuu meelaha meermeereystey, dabadeedna dhinac buu u dhacay.

Maalintii xigtey sheekadu sidiiyoo kale ayay ku dhammaatay. Hayeeshee maalin saddexaaddii, kolkuu damcay in uu sidiiyoo kale sameeyo ayay Xareeda ku tidhi: ”Xilagubow, haddaad damacday in aad sidaa meherad ka dhigato anigu say iigu ahaan maysid, anna afo kuugu ahaan maayo. Waxaad yeeshaa, bax oo lacagtan qaado, hayeeshee haygu soo laaban! Aniga ayaa reerka hooyo iyo aabbe, labadaba, u noqonaya. Intaa ka badan anigu kuuma dulqaadan karo. Haddii kale doorkaagii ninnimo la imow.”

Lacagtii yarayd oo la siiyey ayuu jeebka ku ritey, isagoon erey dib u soo celinnin ayuu bartiisii ula kacay. Dhowr cisho ayaa war iyo wacaal laga waayay. Subixii dambe ayuu, isagoo saaxiga keeney, reerkiisii ku soo laabtay.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 27.03.2018