Xogwaraysi

Xogwaraysi

Tigaad iyo Tiriig waa saaxiibbo labaatan jirro guurdoon ah, hayeeshee, ka baqaya rag iyaga aan u qalminnin in ay u guri galaan. Dabadeed waa lays waraystay oo guur iyo hawlihiisa ayaa laysku soo hadalqaaday.

“Sideedaba horta guur muxuu yahay?” – Tigaad ayaa su’aashaa saaxiibteed weyddiisey.

“Waa nin iyo haweeney oo laba kaatun faraha isu geliyey.” – ayay Tiriig ku jawaabtay.

“Sideedaba maxay jacaylka iyo guurku ku kala duwanyihiin?”

“Jacaylku waa indhala’yahay, guurkuna indhaha ayuu qofka u furaa.” – ayay Tiriig ku warcelisey.

“Haddaba guurka ugu macaani waa kee?” – Tigaad oo weyddiintu ka dhab tahay ayaa saaxiibteed su’aashay.

“Waa kolka nin dhegola’ iyo haweeney indhola’ is-guursadaan.”

“Heedhe, kaasi waa guri dumaye, maaha guur farxad leh.” – ayay Tigaad tidhi. Way sii wadatay hadalkeedii: “Gabadhnimadaydii haddii ay gorgortankan jaban qiimaheedu yahay, guur aan ka la’aado.”

Gobaad Cumar Guuleed

London, 20.03.2018