Dowladda Imaaraadka oo Ka Hadashay Lacagtii Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si kulul loogu cambaareeyay dowlada Soomaaliya falkii ay ku qabatay diyaarada laga lahaa Imaaraadka Carabta magaalada Muqdisho taasoo sidey lacag gaareysa US$9.6 million oo kaash ah oo loogu talo galay in lagu taageero ciidamada Soomaaliya iyo macalimiinta tababarta.
 
Wasaarada ayaa intaa ku dartay in ciidamo saarnaa diyaarada ay xadgudub kula kaceen ciidamada Soomaaliya oo qoryo ku qabteen.
 
“Arrintan waa sharci darro ka soo horjeeda xushmada diblumaasiyiinta u dhexeysa labada dal iyo heshiis is faham ah oo dhex maray labada dal bishii November sanadkii 2014,”ayaay intaa sii raacisay Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta.
 
“falkan waxa uu yahay xadgudub xeerarka caalamiga ah iyadoo Imaaraadkuna uu siiyo kaalmo dhinac walba ah gaar ahaan dhinaca siyaasada,Milatariga iyo gargaar aadanimo si ay xasisho dowlada federalka Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka sida ay daabacda wakaalada wararka WAM.
 
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhinaceeda difaacday tallaabada ay qaadday, waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.
 
Sarkaal u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in boorsooyin aan ahayn kuwo diplomaasiyeed in loo adeegsado ujeedooyin diblomaasiyadeed waxay laalaysaa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka diplomaasiyadeed.
 
Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi sheegay in is-afgaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-ka.
 
Waxaa jira waddamo xiriir la leh Dowladda Federaalka oo taakuleeya laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa dowladda loo soo marsiiyaa habraac waa faqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda.