Maxaa ka jira In Madaxweyne Gaas qorshaynayo kala dirida golaha deegaanka Gaalkacyo?

Wararka ay helayso warbaahinta idilnews,ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Gaas qorshaynayo kala darida golaha deegaanka Gaalkacyo soo noqod kiisa kadib.
 
Madaxweyne Gaas ayaa la sheegaya in ay soo gaartay cabasho fara badan oo ka imaanaysa qaybaha bulshada Gaalkacyo taasoo ku aadan hanaanka maamul ee Duqa Magaalada Maxamuud Yaasiin Tumey.
 
Tumey ayaa dhaliisha ugu xooga badan ee laga soo sheegayo waxay tahay sida uu umaareeyay xasilinta Galkacyo.
 
Dad ubadan odoyaasha magaalada ayaa qaba in uu ku talaxtagay nabad ka raadinta dhanka kale ee Gaalkacyo,isla markaana meelo khaldan oo khatar ku ah qadiyadaha guud ee Puntland ay la gashay raadinta nabadaas..
 
Sidoo kale Dada fara badan oo iskugu jira qaybaha bulshada Mudug,ayaa taageersan qorshaha Duqa Galkacyo sidoo kale ku bogaadinaya sida muuqata ee uu wax uga qabatay nabada Galkacyo iyo wada shaqaynta maamulka kale ee Baraxley ama Koonfurta Galkacyo.
 
Waxaa muuqata mudadii uu Tumey maamulayay Gaalkacyo in amniga isbadal weyn ka muuqday,iyadoo ay yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii qorshaysnaa,isla markaana ganacsigii iyo is dhexgalkii bulshadu kor ukacay.
 
Maxamuud Yaasiin tumey waa qurbe jooge dalka dib ugu soo laabtay kana hirgaliyay ganacsi ka hor inta aan loo magacaabin Duqa Gaalkacyo.
 
Waa masuul dhalinyaro ah oo lagu tilmaamo daacadnimo iyo hawl karnimo wax lataaban karana ka qabtay magaalada muhiimka u ah Puntland ee Gaalkacyo.
 
Madaxweyne Gaas ayaa horay ukala diray golayaashii deegaamada magaalooyinka Bosaso iyo Garowe.